SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

Thursday July 21, 2022 - 17:05:59
136718
MeMo Staff
Maktabka warfaafinta ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhow faafiyey sawirada weeraradii lagu xasuuqay ciidamada Lyu Police ee gelinkii dambe ee shaley lagu qaaday xeryaha ciidamadaas ku lahaayeen degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xadbeenaadka kala qeybiya Itoobiya iyo Soomaaliya.

 

Al-Shabaab ayaa sheegay in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ku soo ganiimeysteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

"Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho” ayuu yiri sarkaal u hadlay AlShabaab oo u waramay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Xarakada AlShabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay maxaabiis dagaal oo ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen.

Halkan ka degso sawirrada oo dhammeystiran

FG: sawirrada qaar idiinmasoo gudbin karno sababa laxiriira argagaxa ay xambaarsanyihiin



 

Related Items