Alleyl dumay albaabadoo xidhan uunku wada seexday.
Anigoo
ah mid kamid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawl gala warbaahinada
islaamiga ah, waxaan jecleystay inaan qormadan ku cabbiro dareenkeyga ku aadan
geeridii naxdinta lahayd ee Talaadadii lasoo dhaafay ku timid Alle ha u
naxariistee, Sh/Nuur Mucallim Cabdiraxmaan oo aan u rajeynayo inuu Ahlu kheyr
ahaa. نحسبه كذلك ولا نزكي على الله أحداً .
Kama
hadli doono macluumaadkii laga bixiyey Sheekha, mana ka warrami doono taariikh
nololeedkiisii, ee waxaan bidhaamin doonaa dhowr qodob oo aan Sheekha ku xasuusan
doono, kuna waari doona quluubtayda insha’allaah. Marka laga yimaado inaan
kamid ahay Soomaalida tirada badan ee wax ka dhageysatay duruusta iyo
muxaadaraadkiisa, haddana waxaa jiray xiriir naga dhaxeeyay qiyaastii muddo ku
dhow 10 sano, haddaaneyba ka badnayn, kaas oo ii suura galiyay inaan wax badan
ka barto dhaqanka iyo dabeecadiisa.
Bishii
Jumaadal Aakhir ee sannadkan 1443, waxay ahayd markii iigu dambeysa ee aan si
fool-ka-fool ah isku aragno, goortaas oo aan ku booqday gurigiisa oo ku yaalla
degmada Aadan Yabaal kadib safar shaqo oo aan halkaasi ku tagay. Maalmo yar
kadib, xilli aan isku diyaarinayay inaan sii safro ayaan ku kulannay meel kale,
wuxuuna markii uu sii dhaqaaqayey i weydiiyay su’aal aan is iri wuxuu uga dan
lahaa inuu hamigeyga iyo diiraddeyda kor ugu qaado.
Wuxuu
igu yiri: "haddii maanta hortaada lasoo fadhiisiyo madaxda gaalada caalamka, oo
lagu yiraahdo la hadal, maxay tahay risaalada aad gaarsiin lahayd?” waxaa ila taagnaa
nin kale oo dhallinyaro ah oo suxufiyiinta kamid ah, jawaabta kuma degdegnin,
ilbiriqsiyo yar ayaan aamusay, kolkaas baa waxaan ugu war celiyay oo aan u
sheegay, inaan ugu yeeri lahaa towxiidka, markaasuu igu yiri: "waa sax,
risaalada suxufiga muslimka ahi waa iney ahaataa:
"يا أيُّها النَّاس قولوا لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ تُفلِحوا”
Sh. Nuur iyo Qadiyadda Muslimiinta
Alle
ha u naxariistee – Sheekh Nuur, wuxuu ahaa nin aad u daneeya qadaayaadka
Muslimiinta caalamka oo dhan, wuxuu si gaar ahaaneed uga walwali jiray dalalka
ay gumeystayaashu ku xidideysteen iyo kuwa ay horey u gumeysan jireen balse
raadadkoodu weli ku dambeyo. Marka uu la kulmo suxufiyiinta wuxuu weydiin jiray
xaaladaha muslimiinta caalamka si gaar ah Falastiin, Shiishaan, Suuriya, Turkistaanta
bari, Ciraaq, Yeman, Rohingya iyo kuwa la mid ah ee ku jira duruufaha adag.
Sida
laga dheehan karo muxaadaraadkiisa, wuxuu qabay in nasriga iyo guushu dhowdahay,
ummad walba oo Alle jidkiisa ku halgantana ay libta heleyso si kasta oo looga
tiro badan yahay, wuxuuna waayahan aad ugu farax sanaa inuu Alle soo gaarsiiyay
cumrigiisa, Mareykan iyo isbahaysigiisii oo Afganistaan ku jabay, iyo Daalibaan
oo dowlad noqotay, dalkana shareecada ku dabaqeysa.
Sheekhu
wuxuu rumeysnaa inaan marnaba horumar iyo barwaaqo la gaareyn, illaa lagu
dhaqmo kitaabka Alle, la iskana daayo qawaaniinta iyo mabaadi’da ay reer
galbeedku yeerinayaan, wuxuu ku dadaali jiray inuu si walba wax u faham siiyo
kuwa sheegta iney yihiin sharci dajiyaasha isagoo fariimihiisa soo maraya
qalabka warbaahinta. Mar uu hadal uu ku wajahayay Baarlamaanada ka jira qeybo
kamid ah Soomaaliya ayaa waxa uu ku yiri: "saxaabadu waxay la dagaalameen
beenaalihii Museylama ahaa ee Nabi-nimada sheegtay, ee seen idiinku dhaafeynaa
idinkoo Ilaah-nimo sheegtay?”.
Wuxuu
ahaa caalim ay u fududahay inuu jawaab ay caamadu fahmi karto ka bixiyo arimaha
lagu marin habaabinayo bulshada ee ay mararka qaar jeediyaan dadka aan jecleyn
in lagu dhaqmo shareecada islaamka oo u badan siyaasiyiinta cabsan mabaadi’da
Dimuqraadiyadda, waxaan xasuustaa jawaab cajiib ahayd oo uu ka bixiyay hadalka
nin hadda Xildhibaan ah oo aan magaciisa munaasabaddan oo kale ku sheegeyn,
ninkaas oo ku tiraabay war biyo dhiciisu ahaa in laga soo gudbay daarul-islaam
iyo daarul kufri, iyo nidaamkii hore ee uu Islaamku ku dhaqmi jiray, duniduna
is badashay oo Muslimiinta iyo Gaaladu is dhex galeen!.
Jawaabtii
sheekhu wuxuu micnaheedu ahaa’ "annaga haddaan nahay Muslimiin waxaan guud
ahaanteen nala faray inaan ku dhaqanno wixii hore ee uu inooga tagay Nabiga
Sallalaahu caleyhi wasallam, waxa gadaal ka yimid ee aad ammaaneysana waa wixii
shareecadu ka digtay إِيَّاكُمْ ومُحْدثَاتِ الأُمُورِ فَإِنَّ
كُلَّ بِدْعَةٍ ضلالَةٌ”.
Sheekh
Nuur wuxuu dadaal badan galin jiray inuu umadda ka waardiyeeyo shubuhaatka,
taleefankiisa wuxuu ahaa mid furan oo dal iyo dibad laga soo woco masaa’isha
laga soo weydiiyo, halka sidoo kale ay dad badan fataawi uga dalbi jireen
masjidka iyo inta uu socdo wadada.
Waracnimadii Sh. Nuur
Marka
la eego dhanka waracnimada ama xalaal miiradka, ma arag qof sidiisa oo kale ah
xilligan, intaan ogahay, kolka aad taleefan ka wacdid oo uu dantaada kuu
dhammeeyo, haddii ay dhacdo inuu isagu u baahdo la hadalkaaga, wuxuu ku
oranayaa "khadka ka bax anigaa dan kaa leh oo lacagteyda kugu soo wacayee.”
Sidoo
kale wuxuu ahaa sheekh murabbi ah oo dadka qof-qof u waaniya, kuna haga inuu
diinta si dhammeystiran ugu dhaqmo inti tabartiisa ah, wuxuu ku dadaali jiray
inuu la yimaado hab dhaqankii salafka, tusaale ahaan, haddaad habeenkii wacdo
wixii ka billowda 9:00 fiidnimo, wuxuu kuu sheegayay in salafku seexan jireen
cishaha kadib, haddii hawshaadu yar tahay markaas wuu kuu fududeynayey, haddey
ballaaran tahayna ballan ayaad kala qaadanayseen.
Habeenkiisa
wuu nooleyn jiray sida ay ii sheegeen dad iiga aqoon badan noloshiisa,
bulshadana wuxuu ku dhiira galin jiray in aysan hurdo ku dhammeysan waqtiga oo wakhtigooda
in ka mid ah Allaah cibaadadiisa u jaangooyaan, wuxuu jeclaa dadka ahlu diinka
ah gaar ahaan culimada rabbaaniyiinta ee aan xaqa la gabban, dal iyo dibadba
meeshey joogaan. Bulshada wuxuu ku qaabilayay isku darajo, waxaa u sinnaa kan
maal qabeenka ah iyo kan faqiirka ah, kan magaca leh iyo kaan la aqoon, kan
mas’uulka ah iyo kurayga.
Allaah
wuxuu hibo u siiyay wax gudbinta iyo ka raarididda, af-yaqaan wuxuu ahaa si
qurux badan u adeegsada maahmaah iyo xikamka, walibana ku dadaala adeegsiya
erayada ugu dhow ama ugu saxan ee dadka fahamka usoo dhaweynaha. Marka uu
doonayo inuu bulshada fahamsiiyo micnaha magaca "Gaal” wuxuu oran jiray (Alle
diid), Qur’aanka aayad-ba-aayad ayuu ku fasirayay amase ku tusaaleynayay, kalimaadkiisana
kuma badnayn aqwaasha culimada.
Maalmihiisii u Dambeeyey
Sheekh
Nuur wuxuu lixdii bilood ee ugu dambeysay aad uga hadlayay u diyaar garowga
geerida iyo qabriga sida uu ii sheegay mid kamid ah dadkii ku dhawaa ee ku
xirnaa duruustiisa masjidka, aniga qudheyda waxaan dhageystay dhowr kalimadood
oo uu mawaadiic kale uga hadlayay, balse uu hadba kusoo darayay baraarujin ku
saabsan iilka iyo xabaasha iyo u diyaar garowga aakhiro.
Todobaadyo
ka hor geeridiisa waa uu xanuunsanaa, saasoo ay tahayna wuxuu masjidka ka
bixinayay duruus, arrintaasina waxaan is leeyahay waxay tusaale wanaagsan u
tahay qof walba oo duqnimo iyo da’ ka cabanaya oo isagoo ay dacwadu u baahan
tahay iska raaxeysanaya.
Sheekhu
wuxuu ifka kaga tagay 7 qof oo uu isagu dhalay oo kala ah 4 wiil iyo 3 gabdhood
iyo 1 xaas, kamana tagin daaro waaweyn, shirkado ganacsi, beero iyo xoolo foofa
toona, laakin wuxuu ka tagay dhaxal iyo keyd cilmiyeed aad u ballaaran oo aan
rajeynayo inuu Alle u barakeeyo si lamid ah sida uu u waariyay kutubta
culimadii waaweeneyd ee Muslimiinta soo maray quruuntii lasoo dhaafay.
Alle
waxaan ka baryayaa inuu na tuso rajadii sheekha ee ahayd in mar uun la arki
doono Soomaaliya iyo caalamka islaamka oo aan gaal u talineyn, ku dhaqmaya
shareecada islaamka, inta dimuqraadiyadda iyo xeerarka qowmuluudka heysatana
"argagixiso” loo aqoonsan yahay. Ugu dambeyntii waxaan tacsi u dirayaa qoyskii
iyo qaraabadii Sheekha iyo ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogto, waxaan
Allaah uga baryayaa sheekha inuu macooda ka dhigo kuwa uu u nicmeeyay ee Nabiyada,
siddiiqiinta, shuhadada iyo saalixiinta, annagana gadaashii Alle nama fitneeyo.
W/Q:
Cali Xaaji
FG: Aragtida Maqaalkan looma tiirin karo SomaliMeMo