Suuragal ma tahay Aas-aaska Urur lamid ah NATO oo mideeya Yahuudda iyo Carabta?

Friday July 08, 2022 - 05:40:53
Liibaan Jeexoow
Xilli lagu wado in maalmo kadib madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu booqasho ku maro wadamada Khaliijka Carabta, lana kulmo madaxda dalalkaas, waxaa dib usoo noqday dooda la xiriirta suurtagalnimada in la dhiso urur milliteri oo lamid ah Nato, kaasoo mideeya dowladaha carbeed qaarkood iyo maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka muslimka ah ee Filastiin.
Ilo wareedyo ay soo xiganayaan warbaahinta dalka Maraykanka ayaa tilmaamay in maamulka Joe Biden uu kulmiyay masuuliyiinta ugu sarreysa maamulka Yahuudda iyo kuwa qaar kamid ah dalalka carbeed, lagana wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga weerarada diyaaradaha loo adeegsado iyo kuwa Droneska ee ay malleeshiyaadka Shiicada ee ay taageerto Iiraan ka fuliyaan qeybo kamid ah wadamada carbeed.

Kulankaas waxaa kasoo qeybgalay taliyaha guud ee ciidanka maamulka Yahuudda iyo dhigiisa qaar kamid ah wadamada carbeed oo aan magacyadooda la sheegin, waana markii ugu horeysay oo masuuliyiin mustawahan xilalkoodu gaarsiisanyahay ay si muuqata uga shaqeyso Washington iney kulmiso.

Boqorka dalka Urdun ninka lagu magacaabo Cabdalla Ath-Thaani ayaa kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee sida muuqata u sheegay inaanu dhib u arkin la dhiso urur lamid ah Nato oo ay ku mideysanyihiin dowladaha carbeed iyo maamulka Yahuudda, iskana kaashada waxa loogu yeerey ka hortaga halisyada amni ee ka imaanaya dhanka Iiraan.

" Urur noocaas lamid ah, waxaa suuragal ah in la dhiso, ayna ku bahoobaan dowladaha isku fakarka ah, waxaana waajib ah in muhiimadda iyo howsha uu qabayo ay noqoto mid cad, haddii ay taasi dhici weyso waxay noqoneysaa in dhamaan dadka ay halis iyo qalqal ka dareemaan tallabadaas” ayuu yiri Cabdalla Ath-Thaani ninka maamula dalka Urdun, ahna nin ay soo barbaariyeen reer galbeedka.

Wuxuu intaas sii raaciyay " waxaan kamid ahaan dadka ugu horeeya ee u codeyn doonaa in la dhiso urur Nato oo ay ku mideysanyihiin dowladaha bariga dhexe. Waxaa macquul ah marka laga soo tago iskaashiga xaga amniga iyo caskariga ee dhexmara dowladaha bariga dhexe, in isbaheysigaas uu awood u yeesho ka hortaga halisyada amni ee hadda laga dareemayo adduunka, sida saameynta ka dhalatay duulaanka Ruushka ee Ukraine, oo ay kamid tahay sicir bararka tamarta iyo cuntada”.

Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda aad u daneyneysa arinta la xiriirta in la dhiso isbaheysi ay ku mideysanyihiin dalalka carbeed iyo maamulka Yahuudda, taasoo ka saacideysa isku dayadeeda ku aadan iney dib u habeyn ku sameyso arimaha la xiriira mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, si dhankeeda ay culees iyo xoog u saarto ka hortaga halisyada uga imaanyaa dowladda Shiinaha oo kusii jilba fidsaneysa qeybo badan oo kamid ah caalamka, dooneysana in Maraykanka kala wareegto awoodda uu ku maquuniyo dowladaha caalamka, ayna iyadu noqota dowladda koowaad ee ugu awoodda badan caalamkan aan ixtiraamka siinin kuwa awoodda leh mooye.

Marka loo eego aragtida dowladda Maraykanka, isbaheysi milliteri oo mideeya maamulka Yahuudda iyo dowladaha carbeed waxay ka dhigantahay ka hortaga hanqal taaga dowladda Iiraan ee la xiriira mandiqadda. Wuxuu kaloo arinkaas u gogol xaarayaa marka loo eego aragtida Maraykanka in xal laga gaaro qadiyadda Filastiin, xaaladda Suuriya iyo siraaca Yemen.

Si ka duwan magaca uu qaadan doono isbaheysigaas iyo qaabka loo iclaamin doonaba, wuxuu Maraykanku u xusul duubayaa in Yahuudda uu ka dhigo kayaan laga ogol yahay bartamaha caalamka Islaamka, heshiisyadii Abraham loogu magacdaray ee dowladaha carbeed qaarkood ku ogolaadeen jiritaanka Yahuudda, uguna aqoonsadeen iney yihiin dal madax banaan, ayaana ah qodobka ugu weyn, uguna cad ee uu Maraykanku xaqiijiyay, marka laga hadlayo siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka, taasoo mar weliba ku dhisan ilaalinta Yahuudda iyo ka hortaga cid weliba oo halis ku ah Yahuudda xooga ku heysata dhulka Filastiin.

Hase ahaatee, isbaheysigan milliteri ee la doonayo iney ku midoobaan Yahuudda iyo dowladaha carbeed, waxaa muuqata iney jiraan caqabado ku geedaaman, taasoo diidan in arintani ay ka dhigto xaqiiqo jirta, tusaalaha ugu weyn ee loo soo qaadan karana waxay tahay wacyi la’aanta madaxda carbeed ee la xiriirta fikradda, iyo kala hadalkooda, taasoo muujineysa inuu jiro kala duwanaan xaga afkaarta ah iyo khilaaf la xiriira meel marinta fikradan lagu dhisayo urur Nato lamid ah oo mideeya Yahuudda iyo dowladaha carbeed, kaasoo u dhexeeya madaxda dowladaha carbeed.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Urdun Ayman As-Safdi ayaa waraysi uu siiyay wargeyska AN-Nahar Al-Carabi ee kasoo baxa dalka Lubnaan, wuxuu ku sheegay in mashruuca lagu dhisayo ururkan iyo tacliiqaadka warbaahinta ay ka maqleen uu yahay wax kala duwan. " fikradda Nato nalooguma soo bandhigin qaabka aan warbaahinta ka maqalney, ma jiro wadahadalo ku aadan in la dhiso urur goboleed xaga difaaca ah oo ay qeyb ka yihiin Yahuudda” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee dalka Urdun, mar uu waraysi siinayay wargeyska AN-Nahar Al-Carabi.

Mar uu ka jawaabayay wasiirka su’aal la xiriirtey in la dhisayo isbaheysi milliteri oo ay qeyb ka yihiin Yahuudda, si looga hortago awoodda dowladda Iiraan ee mandiqadda bargia dhexe, wuxuu wasiirku sheegay inaaney jirin cid arinkaas kusoo hadal qaaday dowladda Urdun, iyaguna aaney maqal, waxaana hadalkan loo fasirtey in dowladda Urdun aaney xilligan dooneynin iney si toos ah ugu biirto isbaheysi milliteri oo ay Yahuudda qeyb ka yihiin, iyadoo ka cabsi qabto raddu ficilka kaga imaan kara Iiraan, maadaama ay malleeshiyaadka shiicada ah soo buux dhaafiyeen xuduuda dalka Urdun uu la wadaago dalka Suuriya oo ay hadda si toos ah badankiis gacanta ugu hayaan dowladaha Iiraan iyo Ruushka.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Masar ayaa dhankiisa shir jaraa’id oo uu la qabtay dhigiisa dalka Al-Baxreyn, wuxuu sheegay inaanu jirin illaa iyo hadda fikrada la xiriirta in la dhiso urur milliteri oo lamid ah Nato, arinkaasna uu booqashada madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu ku marayo wadamada carbeed uu kala hadli doono madaxda carabta.

Wuxuu sheegay in arin la xiriira dhisidda urur milliteri oo xajmigaas leh ay ka horeyso wadahadal iyo wadatashi, welina aanu arinkaas dhicin. " illaa iyo hadda la iskuma soo hadal qaadin arinkaas, ajanadaha Joe Bidenna kuma jirto” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee dalka Masar Saami Shukri.
Golaha iskaashiga Khaliijka ayaa dowladaha ka kooban waxay dhankooda ku kala duwanyihiin aragtida la xiriirta dowladda Iiraan, halka ururka Nato ee la sheeg sheegayo dhisitaankiisa uu cadow u arko Iiraan, dowladaha qaar ee Khaliijka ayaa wadada ugu wanaagsan ee lagula macaalimi karo Iiraan waxay u akraan wadahadallada, dowladaha Cummaan iyo Ciraaq ayaana si hoose waxay u wadaan wadahadallo lagu heshiisiinayo dowladaha Khaliijka qaarkood iyo dowladda Iiraan.

Xilli Qadar iyo Cummaan ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dowladda Iiraan, dalka Kuweytna uu si feejignaan ku dheehantahay ula macaamilo Iiraan, Imaaraatka Carabta iyo maamulka Aala-Sucuud ayaa u arka Iiraan iney tahay halis kusoo wajahan dowladaha Khaliijka, inta badan madaxda wadamadaas ayaana jeediyay hadallo ay ku muujinayaan war warkooda ku aadan damaca dowladda Iiraan ee la xiriira iney sameysato hubka wax gumaada ee Nuclearka.

Hase ahaatee rabitaankooda la xiriira in lasoo afjaro dagaalka dalka Yemen oo qasnadaha labadaasi dowladood gaarsiiyay khasaare culus, ciidamo badanna uga dhinteen wadanka Yemen, sidoo kalena dalalkooda ay ka dheceen marar badan weeraro loo adeegaday sawaariikh iyo drones oo ay geysanayaan malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, ayaa ku riixaya Imaaraatka Carabta iyo Aala-SUcuud iney wadahadallo qarsoodi ah la galaan dowladda shiicada ah ee Iiraan.

Inkastoo badi dowladaha mandiqadda wixii ka dambeeyay kacdoonnadii guga carbeed ay qaateen aragti ah in hal dhinac looga soo wada jeesto kacdoonnada, la iskana kaashdo damintooda, taasina ay horseeday in dowlado badan ay qaataan xiriir wada shaqeyn ah iyagoo xitaa aan isjecelyn, hadana xiriirkaas weli waa mid curdun ah, waxaana lagu tilmaami karaa inuu yahay keliya oo keliya xiriir soo hagaagaya!.

Mowqifka Masar ee taqliidiga ah wuxuu dhigayaa in mar weliba laga fogaado iska hor imaad toos ah oo dhexmara iyada iyo Iiraan, waxaana go’aankaas sababtiisa Al-Qaahira ku yeelatay go’aan dheelitiran oo ay ku ilaashatey xiririada ay la leedahay dowladda mandiqadda.

Dhisidda urur Nato carbeed ah oo ay xubin ka tahay Talla’biib, wuxuu si toos ah oo muuqata u kicinayaa xasaasiyadda dowladda Iiraan, taasoo u aragta in joogitaanka maamulka Yahuudda ee Khaliijka Carbeed uu halis toos ah ku yahay masaalixda iyo danaha dowladda shiicada ah ee Iiraan, kuna qasbeysa Iiraan inay tallaab muuqata qaado.

Isabaheysi weliba oo dhemxara maamulka Yahuudda iyo dowladaha carbed wuxuu sidoo kale kicinayaa carada kooxaha Muqaamada Filastiin iyo ururka shiiciga ah ee ka jira dalka Lubnaan, iskuna magacaabay Xisbullaah. Kooxahaas ayaa u arka iskaashi dhexmara Yahuudda iyo Carabta inuu iyaga jiritaankooda halis ku yahay.

Madaxa maktabka Siyaasadda ee xarakada Xammaas Ismaaciil Haniyah ayaa cambaareeyay tallaabada ay dowlado carbeed ku caadiyeyeen xiriirka ay la leeyihiin maamulka Yahuudda, arinkaas ayuuna ku tilmaamay tallaabo halis ah, khiyaarka iyo istiraatiijiyada la xiriirta in si wadajir ah loo wajaho Yahuudda ayuuna ku tilmaamay iney wadada keliya ee ugu haboon ee looga hortagi karo Yahuudda xooga ku heysata dhulka muslimka ah ee Filastiin.

Jamaahiirta muslimiinta gaar ahaan kuwa ku dhaqan wadamada Carabta ayaa dhankooda la rumeysanyahay ineysan marnaba ogolaan Karin in isbaheysi milliteri oo muuqda uu dhexmaro dalalkooda iyo maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin, hadii ay arinkaas ku dhiiradaan madaxda wadamadooda ayaana waxaa la filan karaa iney dhacaan dibadbaxyo waaweyn iyo tallaabooyin kale oo aan lasii qiyaasi Karin, taasoo keeni karta in wax badan uu iska bedelo hogaanka wadamada caalamka Islaamka.

Taxadiyaadkaas aan soo tilmaamanay ayay khubaradu aaminsanyihiin iney ku hor gudboontahay dhisidda urur Nato lamid ah oo mideeya dowladaha carbeed iyo maamulka Yahuuudda, inkastoo waaqiciyan aan la dafiri Karin in dowlado carbeed iyo maamulka Yahuudda ay leeyihiin xiriir muuqda oo iskaashi ah, si gaar ah tacaawunka xaga amniga iyo milllteriga.


Related Items