Wasiirad hore oo Jowhar lagu weeraray iyo dil ka dhacay galbeedka Muqdisho.

Thursday June 30, 2022 - 12:41:10
MeMo Staff
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhacay weeraro isugu jira madaafiic iyo dagaalo toos ah oo lagu qaaday ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka DF .
Weerar qorshaysan oo shalay ka dhacay deegaanka Weydoow ee galbeedka Muqdisho ayay dagalayahanno hubaysan ku dileen askari katirsanaa ciidanka DF kaa oo lagu magacaabi jiray Yuusuf C/laahi Cusmaan.

Dhanka gobolka Jubbada hoose ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabto balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi

Dhinaca kale waraka ka imaanaya dhanka Shabeellada Dhexe dagaalyahanno Jihaadi ah ayaa qarax xoogan labeegsaday guri ay magaalada Jowhar ka dagantahay haweenay wasiirad hore kasoo noqotay maamulka isku magacaabay Hirshabeelle, xilligii uu qaraxu ka dhacayay guriga waxaa ilaalo ka hayay ciidamo katirsan DF-ka.

Related Items