Itoobiya oo xukun daldalaad ah ku fulisay maxaabiis ay ka qabatay ciidanka Suudaan.

Monday June 27, 2022 - 13:23:30
MeMo Staff
Melleteriga Itoobiya ayaa xukun daldalaad ah ku fuliyay maxaabiis katirsanaa ciidanka Suudaan oo ay ku qabteen dagaallo dhowaan ka dhaca deegaannada xuduudda ku teedsan.
Wasaaradda difaaca Suudaan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 7 katirsan ciidamadeeda ladilay ayna falkaas geysteen Askarta Itoobiya.

Suudaan ayaa tallaabada lagu daldalay maxaabiista ku tilmaamtay mid bahalnimo ah oo baal marsan dhammaan acraafta dowladaha udhaxaysa.

Safiirka Itoobiya ufadhiya magaalada Kharduum ee caasimadda Suudaan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay baarayaan qaabkii ay wax udhaceen, warbaahinta Suudaan ayaa shalay sheegtay in Itoobiya ay laysay maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay mandiqadda Alfashaqa.

Related Items