Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka badbaaday qarax miino.

Monday June 27, 2022 - 13:18:34
MeMo Staff
waa haraadiga gaariga uu qaraxu beegsaday
waa haraadiga gaariga uu qaraxu beegsaday
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax culus oo deegaan katirsan gobolka Hiiraan lagula beegsaday mas'uul sare oo katirsan dowladda Federaalka.
Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay qarax xooggan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in labeegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Cali Cusmaan Jeyte oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 4 qof oo mid kamida uu ahaa sarkaal ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii maanta halka ay ku dhaawacmeen wariyaal ushaqeynayay Telefeshinka ku hadla afka maamulka Hirshabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ka badbaaday qaraxa balse ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah saraakiishii safarka ku wehlinaysay.

Duleedka degmada Matabaan maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan iyadoona iska hor'imaadyo hubaysan ay halkaas ku dhaxmareen maleeshiyaadka dowladda iyo xoogag jihaadi ah.

Related Items