Wasiir Beylle oo diiday in uu tago Xafiiska Xeer ilaalinta.

Monday June 27, 2022 - 09:48:20
MeMo Staff
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka ayaa ku gacan sayray in uu u hoggaansamo warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta oo faraysay in uu tago xeer ilaalinta si baaritaanno loogu sameeyo.
Cabdiraxmaan Beylle oo xalay war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in uusan tagi doonin xafiiska xeer ilaalinta islamarkaana ay sharci darro tahay in isaga loo yeero.

Tan iyo markii uu xilka qabtay Xasan Sheekh ayay soo baxayeen in wasiir Beylla lagula xisaabtami doono musuq maasuq uu sameeyay 5tii sano ee uu Farmaajo la shaqeynayay.

Related Items