Meydadka 22 ruux oo laga helay magaalo katirsan dalka Koonfur Afrika.

Monday June 27, 2022 - 09:44:17
MeMo Staff
Dowladda Koonfur Afrika ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay meydad labaatameeyo ah oo laga helay mid kamida degmooyinka wadankaasi.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in meydadka 22 qof oo rag ubadan laga helay xeebta degmada East London oo ku dhow magaalada Johannesburg.

Meydadka ayaa laga helay kalaab lagu caweeyo waxayna dadka dhintay ubadanyihiin dhalinyaro, sawirro lagasoo qaaday goobta ayaa muujinayay meydad daadsan maqaayad dhaxdeeda.

Dadka dhintay jirkooda kama muuqan wax dhaawacyo ah arrinkaas oo muujinayay in ay ku sumoobeen maandooriyaha Khamriga oo ay cabeen.

Related Items