Weeraro 8 Askari lagu dilay oo ka dhacay duleedka Kismaayo.

Monday June 27, 2022 - 08:21:46
MeMo Staff
sawir hore dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.
sawir hore dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weeraro culus oo khasaara dhaliyay lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubbaland'.
Ciidamada Wilaayada Islaamiga Jubbada hoose ayaa saka aroortii hore weeraro safballaaran ah kula jarmaaday illaa sedax saldhig oo dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

Weerarka ugu horreeya waxaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada 'Jubbaland' ku leeyihiin halka loo yaqaan Buudada Daariq, daqiiqado kadib waxaa weerar kedis ah lakulmay saldhig kuyaal deegaanka Garaska waxaana halkaas lagasoo wariyay iska hor'imaadyo culus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in iska hor'imaad culus uu ka dhacay saldhigga Sigaleer, dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradii ka dhacay duleedka Kismaayo lagu dilay ugu yaraan 8 askari islamarkaana nolosha lagu qabtay askari sida ay baahisay idaacadda Andalus.

Related Items