Ruux Muslim ah oo weerar Khasaara dhaliyay ka geystay goob lagu caweeyo.

Sunday June 26, 2022 - 13:23:38
Liibaan Jeexoow
Khasaara culus ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo lagu beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen kooxo sameeya wax lamid ah falalkii qowmuluud.
Wararka ka imaanaya dalka Norway ayaa sheegaya in ruux muslim ah uu toogasho ka geystay fagaare kuyaal magaalada Oslo ee caasimadda ah waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan 2 ruux ay weerarka ku dhinteen halka ay dhaawacyo soo gaareen 12 kale, mas'uuliyiinta caafimaadka Norway waxay sheegeen in dadka dhaawacmay 10 kamid ah ay xaaladooda caafimaad aad uliidato.

Ruux watay bastoolad iyo qori nuuca darandooriga udhaca ayaa toogasho ku bilaabay goob ay ku cawaynayeen kooxo qaniisiin ah, muuqaallo lagasoo duubay goobta ayaa muujinayay argagax iyo walbahaar hareeyay dadkii xafladda dhiganayay.

Taliska guud ee Booliska Norway ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la joojiyay socod ay magaalada Oslo ku mari lahaayeen kumanaan qof oo la yimid dhaqankii qowmuluudka.

Muslim 42 sana jir ah ayaa gacanta lagu dhigay kaasi oo Booliska Norway ku eedeeyeen in uu weerarka geystay islamarkaana uu caan ku ahaa naceybka uu qabo gaalada gaar ahaan kuwa sameeya afcaashii qowmluud.

Related Items