Weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay iyo warar kale.

Sunday June 26, 2022 - 12:59:05
Liibaan Jeexoow
Xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka DF-ka ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Gobolka Banaadir howgal qorsheysan oo ciidamada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha degmada Howlwadaag gaar ahaan Suuq Bakaaraha waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Diiriye.

Dhanka gobolka Bay xoogagga jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka dowladda ee deegaanka Daynuunaay ee hoostaga magaalada Baydhabo.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay askari dowlada ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Mucalim sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dhanka gobolka Shabeelada Hoose ciidamada wilaayada waxay habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhigyada ciidanka shisheeye ee isku magacaabay ATMIS iyo kuwa DF-ka ee degmada Buulo Mareer.

Isla Shabeelada hoose waxeay xoogag jihaadi ah xalay dagaallo saf mar ah ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka dowldda ee Buundada degmada Jannaale,Siinka dheer, calamada iyo deegaan weynaha ceelasha Biyaha.

Related Items