Wasiir katirsan maamulka 'Puntland' oo ka sheekeeyay guuldarradii Deni Muqdisho ka raacday.

Saturday June 25, 2022 - 12:02:10
MeMo Staff
Markii ugu horraysay maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ka hadlay guuldarradii siyaasadeed ee Saciid Deni kasoo gaartay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.
Mid kamida wasiirrada maamulka Fadhigiisu yahay Garowe kana mid ah gacan yarayaasha Deni ayaa sheegay in xildhibaannada lagasoo doortay dhanka PL ay khiyaano sameeyeen ayna mas'uul ka ahaayeen guuldarradii dhacday.

Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muus oo ah wasiirka Tamarta iyo Macdanka maamulka 'Puntland' ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Ololihii madaxweyne ee Saciid Deni ay ku khasaartay lacag malaayiin dollar ah islamarkaana guuldarradii dhacday ay kaalin ku leeyihiin xildhibaanada deegaanka.

"Nasiib darrada eedeeda xildhibaannadeenii baa iska lahaa, haddii runta la isku sheego. Waa in lagu dhiirto oo runta la isku sheego. dhaqaale badanaa lagu bixiyay, nabaro badan ayaa la isku geystay Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayay inaan cirbada kululaysada ku dhufano siyaasada Soomaaliya, si ay horey ugu socoto, laakiin nasiib darro ma suurtoobin,” ayuu yiri wasiirka tamarta.

Waxaa la sheegay in Deni markii uu ku hungoobay doorashadii madaxtinimada uu isku dayay in uu Xasan Sheekh ka qalqaashado xilka R/wasaaraha balse markale ayuu ku fashilmay hankiisi ahaa in uu noqday mas'uulka 2aad ee DF-ka ugu sarreeya.

Maamulka uu madaxda ka yahay Saciid Deni ayaa ballan qaaday in uu Xasan Sheekh ula macaamili doono qaabkii uu ula macaamilay Farmaajo islamarkaana uu mucaaradi doono dhammaan waxyaabaha ay isku maandhaafsanyihiin Federaalka iyo maamul goboleedyada.

"Wixii qaldan waan sheegaynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay. Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay Caarshe.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Saciid Deni uu lacag ku dhow 100 malyan oo dollar ku khasaaray doorashadii dhacday bishii May ee lasoo dhaafay.

Related Items