Afhayeenka Madaxtooyada oo beeniyay in Xasan Gurguurte uu booqasho dhuumasho ku tagay Yahuudda.

Saturday June 25, 2022 - 11:57:17
MeMo Staff
Dowladda Federaalka ayaa si kulul ubeenisay warar maalmahan laysla dhaxmarayay oo sheegayay in madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho qarsoodi ah ku tagay maamulka Yahuudda.
Cabdikariin Kaar oo ah Afhayeenka Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay wararka sheegaya in Xasan Gurguurte uu booqasho dhuumasho ah ku tagay dhulalka Yahuudda ee Falasdiin.

Sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafayay kumanaan Soomaali ah baraha bulshada ku faafinayeen warar sheegaya in Xasan Sheekh uu booqday Yahuudda isagoo isku xir ka helayay dowladda Imaaraatka Carabta oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Yahuudda.

Warbaahinta Yahuudda ayaa si aad ah ugu dabaal degtay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya waxayna ku sifeeyeen hoggaamiye diyaar u ah in uu xiriir la sameysto maamulka Yahuudda.

Related Items