Rooble oo kulankii ugu dambeeyay la yeeshay Golaha wasiirrada.

Tuesday June 21, 2022 - 12:56:24
Liibaan Jeexoow
Max'med Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaxyaal madaxtooyada Villa Somalia wuxuu ku qabtay shirkii ugu dambeeyay ee uu layeesho golaha wasiirrada isagoo R/wasaare ah.
Rooble ayaa isugu yeeray dhammaan xubnaha golaha wasiirada iyo wasiiru dowlayaasha wuxuuna ujeediyay khudbadiisi ugu dambeeyay, wuxuu uga mahad celiyay sidii ay ulasoo shaqeeyeen waqtiyadii aadka u adkaa ee ay xukuumadiisu soo martay.

Dabayaaqadii bishii September 2020 ayuu Farmaajo Rooble u magacaabay in uu noqday R/wasaare balse bilo kadib ayay isku khilaafeen arrimo ku saabsan muddo kororsi arrinkaas oo labadan kala irdheeye.

Rooble ayaan u hoggaansamin dhowr jeer oo shaqa joojin lagu sameeyay wuxuuna markii dambe taageero lixaad leh ka helay xildhibaanno mucaarad ah iyo waxa loogu yeero beesha caalamka arrinkaas oo dhabar jab siyaasadeed ukeenay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

Related Items