Guddoomiyihii Xisbiga Ucid oo Laascaanood lagu diley.

Tuesday June 21, 2022 - 08:44:04
Liibaan Jeexoow
Guddoomiyihii Ucid ee magaalada Laascaanood Maxamed Aflahaar ayay dabley hubaysani xalay ku toogteen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Dilka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Laascaanood ay ku soo badanayaan dilalka qorshaysani.
Saraakiil katirsan booliska gobolka Sool ayaa xaqiijiyay dilka ninkan mucaaradka ah balse faah faahin dheeri ah kama bixin.

Falkan lagu dilay guddoomiyihii Xisbiga Ucid ee gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli isbuucii lasoo dhaafay ay ciidamada maamulka Somaliland ay rasaas ku fureen guriga guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaana hargeysa ka taagan xiisado siyaasadeed oo aad uxooggan.

Hore ayuu maamulka Somaliland u tarxiiley dad ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo lagu eedeeyay in ay yihiin kuwa sababey xaaladda amni ee Laascaanood ka taagan.

Laakiin illaa iyo hadda waxba isma bedelin oo waxa sidii u socda dilalka qorshaysan ee magaaladaas laga geysanayo.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items