Ganacsato Yahuud ah oo booqasho ku tagay dalka Sacuudiga [Warbixin].

Monday June 20, 2022 - 18:07:22
Liibaan Jeexoow
Xilli maamulka Yahuudda ee xooga kuheysta dhulka muslimka ah ee Filastiin, uu ku dadaalayo inuu heshiis muuqda la gaaro maamulka Aala-Sucuud ee maamula dhulka Xarameynka, ayaa waayadii dambe waxaa soo baxayay macluumaad iyo xogo dheeraad ah oo daaha ka rogaya waxyaabaha sida hoose loo maleegayo.
Dhawaan waxaa dhulka Xarameynka booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay ganacsato waaweyn oo Yahuud ah oo matalayay maamulka gumeysiga Yahuudda ee xooga kuheysta dhulka Filastiin, kuwaasoo sida muuqata u gogol xaaraya heshiis toos ah oo ay gaaraan maamullada Aala-Sucuud iyo Yahuudda.

Ganacsatada Yahuudda ee tagay dhulka Xarameynka, ayaa markii ay kunoqdeen dhulka Filastiin ee gumeysiga kujiro, waxay sheegeen in booqashadooda ay kusoo arkeen ineysan meel fog jirin in xiriir toos ah dhexmaro Yahuudda iyo maamulka Aala-Sucuud.

Waxay kaloo tilmaameen in maamulka Aala-Sucuud uu baahi gaar ah u qabo xaga Technolgoiyada, si gaar ah farsameynta virusyada lagu jabsado xogaha iyo computerada shahsiyaadka mucaaradka ah, arinkaasna yahay waxyaabaha fududeyn doono in isaashi muuqda dhexmaro maamulka Yahuudda iyo kan Aala-Sucuud.

Aayal Fildman, waa ganacsade Yahuudi ah, waana agaasimaha shirkadda Malanox, iyo madaxa maamulka Waldo Holdings, wuxuu dhawaan kasoo noqday magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.

Wuxuu leeyahay " waxaan halkaas kula soo kulmey, masuuliyiin badan oo Aala-Sucuud ah, waxay aad u xiiseynayeen iney nala kulmaan, oo nala sheekeystaan, ma maleysan kartid xamaasadda iyo xiisaha ay muujinayaan shirkadaha maamulka Aala-Sucuud, halkaas waxaan kasoo laabtay anigoo aad u xamaasadeysan” ayuu yiri ganacsadan Yahuudiga ah oo booqasho afar maalmood qaadatay ku tagay magaalooyinka Ar-Riyaad iyo Jeddah ee uu ka taliyo maamulka Aala-Sucuud.

Waraysi uu siiyay wargeyska Yadiicoot Axranoot, ayuu ganacsadan Yahuudiga ah wuxuu ku sheegay in Muxamad bin Salmaan dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud uu waqti kooban ku sameyanyo isbedello waaweyn, rajo weynna ay qabaan marka looo eego Yahuuda, booqashada la filayo in dhawaan madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu kutago dhulka Xarameynka.

Wuxuu tilmaamay ganacsade Aayal Fildman, inuu soo arkay ganacsato katirsan maamulka iyo masuuliyiin dowladeed, kuwaasoo aad ugu xiisa qabay in Yahuudda la gaaraan iskaashi xaga dhaqaalaha ah, loona baahanyahay in arinaas sida ugu dhaqiysaha badan looga faa’ideysto, oo maamulka Aala-Sucuud lagu soo daro liiska dowladaha sida muuqata u caadiyeeyey xiriirka ay la leeyihiin maamulka Yahuudda.

Dad badan waxay rumeysanyihiin in booqashada noocaan ah ee ganacstada Yahuudda ay ku tagayaan dhulka Xarameynka ay muujineyso sida labada dhinac, waa Yahuudda iyo maamulka Aala-Sucuude ay uga go’antahay in musatqbala dhow ay yeeshaan xiriir muuqda oo toos ah, si lamid ah sida Imaaraatka Carabta, AlBaxreyn, Marooko iyo Suudaan ay u caadiyeeyeen xiriirka kala dhexeeya Yahuudda xooga ku heysata dhulka muslimka ah ee Filastiin.

Culimada muslimiinta iyo hogaamiyaasha Jihaadka ayaa horey uga hadlay halista ay leedahay in Yahuudda lagu soo dhaweeyo dhulalka muslimiinta, iyagoona ugu baaqey muslimiinta iney ka hor yimaadaan tallaabooyina ay xukaamta kula heshiinayaan Yahuudda.

Related Items