Xoghaya guud ee Xisbiga Waddani oo sheegay in gurigiisa la gubey.

Saturday June 18, 2022 - 17:38:25
Liibaan Jeexoow
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in guriisa dab la qabadsiiyey, dabkaas oo dhaawac u geystay albaabka hore ee hoygiisa. Khadar ayaa sheegay in uu dhacdadan ku wargeliyey haayadaha ammaanka ee ku shaqada leh si ay u baadhaan.
"Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda Xisbiyada Mucaaridka” ayuu yidhi Khadar.

Hore ayuu Guddoomiyaha Waddani Xirsi Xaaji Cali u sheegay in qaar kamida guryihiisa midna la gubey midna baabuur la jiidhsiiyey. Sidoo kale Musharrax Xisbigaasi ee Cirro ayaa isna la sheegay in gurigiisa ciidanka booliska maamulka iyo kuwa ilaalada gaarka u ah Cirro is rasaasayni ku dhex martey.

Guud ahaan amniga maamulka ayaa laga dayrinyaa taas oo ay dhalisay muranka doorashooyinka ee u dhexeeya Axsaabta Mucaaradka ah ee Maamulka iyo Xukuumadda maamulka ‘Somaliland’.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items