Dawladda Ingiriiska oo joojisay taageeradii ay u fidin jirtey Maamulka Somaliland.

Saturday June 18, 2022 - 17:36:12
Liibaan Jeexoow
Dawladda Ingiriiska ayaa hakisay taageeradii ay u fidin jirtey 'Somaliland' ka dib markii ka war heleen sidii ciidanka ammaanka ee maamulku ula dhaqmeen mudaharaadayaashii ay horkacayeen mucaaradku maalinnimadii Khamiistii ee June 9, 2022.
Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Waddamada Iskaandaneefiyaanka ayaa maamulka ka taageera waxa loogu yeedho dardargelinta dimuquraadiyadda.
Ingiriiska ayaa sheegay in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadii bannaanbaxayaasha taas oo loo adeegsadey rasaas nool inkasta oo xukuumadda maamulka ‘Somaliland’ ay iska fogaysay eedayntaas.

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay si sharcidarro ah u xidh xidheen wariyeyaal iyo siyaasiyiin magac ku dhex leh maamulka.

Dawladda UK ayaa bixisa illaa 36% dhaqaalaha ku baxa amniga ‘Somaliland’ taas oo haddii la jaro khalkhal weyn ku abuuri karta xaaladda amni ee maamulkaas.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items