Sarkaal katirsanaa maamulka 'Koonfur Galbeed' oo lagu dilay degmada Afgooye.

Saturday June 18, 2022 - 16:25:28
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa gudaha degmada Afgooye ku dilay sarkaal katirsanaa maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in dablay hubaysan ay dileen nin lagu magacaabo Cali Shaloow oo ahaa mas'uul katirsan maamulka Koonfur galbeed.

Dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmada Afgooye.

Related Items