Abiy Axmed oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalkii Saraakiisha Amxaarada lagu raafay.

Tuesday June 14, 2022 - 16:29:50
Liibaan Jeexoow
Mas'uulka ugu sarreeya dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay wadahadal lafurayaan kooxaha mucaaradka awoodda badan ee dagaalka ka wada waqooyiga wadankaasi.
Abiy Axmed ayaa isagoo ka hor hadlayay baarlamaanka wadankiisa wuxuu sheegay in ay dhiseen guddi qaabilsan wadahadallada balse kuma dheeraan qaabka ay wadahadalladu udhacayaan.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay howlgal bishii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Amhara halkaas oo ay ciidamada melleterigu kasoo raafeen kumanaan qof oo isugu jira askar iyo saraakiil katirsanaa ismaamulka Amhara.

Wuxuu sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu badbaadinayay wax uu ugu yeeray qaanuunka dalka udegsan ayna soo xireen illaa 3,500 oo ahaa askar iyo saraakiil fallaagoobay.

Abiy Axmed ayaa Xildhibaannada baarlamaanka usheegay in ay hadda gacanta ku hayaan illaa 2,000 oo askari oo dhammaantood katirsan Amxaarada awoodda ku dhax leh xukuumadda.

Related Items