Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo gurigiisa la weeraray.

Saturday June 11, 2022 - 14:15:30
Liibaan Jeexoow
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa sheegay in loo maleegay weerar qorshaysan oo gurigiisa lagu beegsaday weerarkaas oo kaga yimi sida uu sheegay dhanka xukuumadda 'Somaliland'.
Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in gurigiisa mar horena dab la qabadsiiyey taas oo uu dhaliisheeda madaxa u saarey Wasiirka A. Gudaha iyo Taliyaha Booliska.

"Waxay u muuqataa weerar qorshaysan oo ay dawladdu ku talo gashay oo ay doonayso in ay nagu cabsi galiso” ayuu yidhi Xirsi isaga oo intaa ku darey in maalintii dhawayd ee ay mudaharaadka qabanayeen in laysku dayay in gaadhi la jiidhsiiyo isaga iyo Musharrax Cirro.

Xisbiyada Mucaaradka ‘Somaliland’ ayaa hakiyey bannaanbax ay ku baaqeen maanta oo Sabti ahayd ka dib markii ganacsato iyo odayaal dhex dhexaadin ka dhex bilaabeen iyaga iyo Muuse Biixi.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items