Maxaad ka ogtahay dhagaraha hay'adaha shisheeye iyo isku duubnidii Soomaalidii hore.

Saturday June 11, 2022 - 10:05:06
Liibaan Jeexoow
Hay'adaha shisheeye ama NGO-yadu ma ahayn wax Soomaalidu hore u taqaannay, waxaana dadkeennu ahaa mid isku tiirsan. Tol wal oo meel degaa si hoose ayuu isugu xidhnaan jirey waxaana la odhan jirey "Tol waa tolane".
Dadka Soomaaliyeed waxa ay ku maahmaahi jireen saddex baa tol loo yahay; nin qumman quweyntii, nin qaldan qabashadii iyo nin qatan quudintii.

Iscaawinta iyo kaalmada ka dhexaysay bulshada Soomaaliyeed waxa ay gaadhey heer markii ay suldaan ama hoggaamiye dhaqameed dooranayaan in loo xoolo gooyo si uu u hodmo oo aanu cidkale ugu baahan, isla markaana hawlaha reerka si qumman ugu fuliyo. Marka laga warramayo Xeer Soomaaligii hore waxa jirey wax loo yaqiinnay "Hilbo Qalasho” dadka qaarna odhan jireen "Hanti Hur”.

Tusaale ahaan haddii qoys Soomaaliyeed faqriyo kolkaasna uu odeyga reerka masuulka ahi ka cabsado in carruurtiisu gaajo u le’daan waxa uu soo qabsan jirey xoolo nin uu garanayaa leeyahay dabadeedna qoyskiisa ayuu u qali jirey si ay duruufta adag ugu dhaafaan, waxaana la odhan jirey hebel waxa uu ka hilbo qashay xoolihii hebel; ama ninkii hebel ahaa wuxuu hanti hur u qaatey xoolihii hebel. Arrinkaas xeerka ka yaalley wuxu ahaa in aan ninkaas xoolaha qashey waxba la weydiin illaa inta xaaladdiisa dhaqaale ka fiicnaaneyso, haddii dhaqaalihiisu fiicnaado waxa si xilkasnimo leh loo weydiin jirey xoolihii uu ka adeegtay berigii uu caydhoobey in uu soo celiyo, haddii uu nin gob ah yahayna isagaaba soo celin jirey intaan la weydiin. Haddaba xeerkaa aynu soo sheegnay odayaasha Soomaaliyeed ee guurtida ahi waa ay yaqaanneen waxaana la dhihi jirey "Xeer Hilba qalasho” maantana waxa innagu soo kordhay dhaqan ah in aan waxba laysu tarin isla markaana loo qayshadi haayado lagu sheego in ay caalami yihiin.

Haddaba waxa taariikhdu werisay in markii ugu horreysay ee haayadaha shisheeye si habaqle ah u yimaaddeen dhulka Soomaaliyeed ay ahayd 1977-1978 markaas oo lagu soo jabey dagaalkii Xabashida lagu qaadey.

Taariikhdaas ka hor umadda Soomaaliyeed dhaqaale ahaan waa ay iska sinnaayeen isku waxna waa la isticmaali jirey inta badan.

Nin mar u shaqayn jirey Maxamed Siyaad Barre oo 21sano madaxweyne ahaa ayaa la weydiiyey waxa uu cuni jirey dabadeed waxa uu ku jawaabey "Waxa uu madaxweynuhu ugu jeclaa galley ama masaggo caano leh iyo oonta xoolaha oo hilib iyo maraq ah”.

Intii u dhexaysay labadaa sano ee aan soo sheegay (77/78) waxa dalka ku soo barakacey shacab badan oo Soomaaliyeed waxaana loo amaamuday xeryo qoxoonti oo ku kala yaalley illaa 35 degmo oo dalka gudihiisa ah. Markaa tirada haayadaha ee dalka ku soo digaafey waxa ay gaadhayeen illaa 60 haayadood oo ka kala yimid Yurub iyo Mareykan.

Haayaduhu waxa ay u qaybsamaan si guud laba nooc; qaar dawli ah oo ay dalal maalgeliyaan iyo kuwo aan dawli ahayn oo ay maalgeliyaan ururro caalami(UN and EU) ah iyo kiniisado. Ururka loogu yeedho Qaramada Midoobey oo uu Mareykanku daaha dabadiisa ka maamulo ayaa ah kan ay hoos yimaaddaan haayado badan oo magac samafal huwan. Tusaale ahaan;
1: UNESCO: Waxa ay u qaabilsan tahay waxbarashada, iyagaana qaabeeya sida dalka ay ka shaqeeyaan carruurtiisu wax u baranayaan isla markaana manhajka u dejiya

2: FAO: Waa haayadda cuntada iyo waxsoosaarka beeraha u qaabilsan, badanaana waxay ku fooggan tahay sidii loo wiiqi lahaa beeralayda waddamada soo koraya isla markaana weligood ayaga loogu xidhnaan lahaa. Waddankasta oo raba in uu isku filnaansho gaadho iyaga ayaa hortaagan.
Haayaddani waxay u dhigantaa Wasaaradda Dalagga iyo Waxsoosaarka oo kale.

3: UNDP: Waa haayadda u qaabilsan UN-ta barnaamijka horumarinta, waxay ka shaqaysaa illaa 170 dal oo dunida ka mid ah. Waxay ka shaqeeyaan sida ay sheegeen la dagaallanka faqriga, ilaalinta xasilloonida iyo ka hortagga sinnaansho la’aanta. Haayaddani waxay u dhigantaa ama UN-ta ugu qaybsan tahay sidii Wasaaradda Horumarinta.

4: UN HABITAT: Waa haayad UN-ta ugu qaybsan sidii Wasaaradda Dib u Dejinta oo kale. Waxay ururisaa xogo badan.

5: UNHCR: Haayaddanna waxa lagu magacaabaa Hay’adda Qoxoontiga Adduunka. Waxaanay u doodaan sida ay sheegaan xuquuqda qoxoontiga iyo weliba sidii ay dadka u badbaadin lahaayeen balse muhiimaddooda koobaad waa holcinta colaadaha.

Haayadaha hoostaga ‘Qaramada Midoobey’ way badan yihiin waxaanay leeyihiin ujeeddooyin fogfog oo qarsoon, waxa se yaab lahayd markii dadku akhriyeen maqaallo lagu qorey Wargeysyo uu kamid yahay "The Times” kuwaas oo lagu sheegay in tobankii sano ee u dhexeeyay 2008 illaa 2018 in shaqaalaha UN-ku ay kufsadeen 60kun oo qof oo carruur u badan, iyada oo looga faa’iidaysanayo baahida iyo duruufta haysata. Andrew Macleod oo isu duwe ka ahaa QM ayaa yidhi ".... in the past decade with 3,300 paedophiles working the organisation and its agencies” hadalkan oo macnihiisu noqonayo; tobankii sano ee ina dhaafey waxa QM ka shaqaynayay illaa 3,300 oo shaqaale ah kuwaas oo carruurta faraxumeeya.

Haddaba ururkan isku magacaabey Qaramada Midoobey ayaa ah mid magaciisa rasmiga ahi noqonayo "Qaayinnada/khaayinnada Midoobey” kuwaas oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee u shaqeeyaa ay yihiin basaasiin aan is ogayn. Waxay u uruuriyaan xogo, kuwaas oo waddanka dhaawacaya. Marar badan maamullada waddanka ka jira waxa ka xog ogaalsan haayadaas lagu sheegay samafalka, waayo maalin kasta waxa ay helaan xogo ay u soo ururiyeen shaqaalahoodu.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare

Ilaha xogta: buugga "Cadawgaagu waa kuma” ee uu qorey Cabdullaahi Faarax Cali. "Xeer Soomaaligii Hore” ee uu qorey Axmed Cali Buraale. The Times

Related Items

Update cookies preferences