Rooble oo ku dhawaaqay in Muqdisho lageliyay xayriraad 48 saacadood ah.

Wednesday June 08, 2022 - 16:36:24
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xaalad bandaw ah oo aad u adag lagelin doono malaayiin qof oo ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Max'med Xuseen Rooble oo ah R/wasaaraha DF-ka ayaa sheegay in laga bilaabo caawa 10:00-ka fiidnimo laxiro doono dhammaan waddooyinka Muqdisho islamarkaana bandawgu uu sii jiri doono illaa berri galab saacaddu markay tahay 5:00.

Wuxuu sheegay in uusan jiri doonin wax isku socod ah islamarkaana waddooyinka lagu daadin doono ciidamo wata gaadiid dagaal, sababta bandawga loosoo rogayo ayuu ku sheegay caleema saarka Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay ayay aheyd markii ay ciidamada DF-ka xireen waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda xilligaas oo uu wasaaradda Gaashaandhigga booqanayay Xasan Gurguurte.

Related Items