Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

Thursday June 02, 2022 - 17:29:58
Liibaan Jeexoow
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta socdaalka ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.
Axmed Kaariye Qoorqoor oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Galmudug' ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Xasan Sheekh oo diyaaraddii sidday ay kasoo kicitintay dhanka magaalada Baydhabo.

Xasan Gurguurte oo hadal kooban ujeediyay dadkii soo dhoweeyay ayaa sheegay in socdaalkiisu uu yahay mid uu ugu kuur gelayo xaaladda gobolka islamarkaana uu ka shaqeyn doono arrimaha dib uheshiisiinta.

Bishii lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay dagaal khasaara badan dhaliyay oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Suufida ee uu madaxda u yahay Max'med Shaakir iyo ciidamada maamulka 'Galmudug'.

Waa socdaalkii 2aad ee uu madaxweynaha cusub ku tago maamul goboleed si weyn xaliif ula ahaa nidaamkii uu madaxda ka ahaa Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyihii hore ee DF.

Related Items