Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maleeshiyaadka dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Baraawe ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 askari ay dhinteen kadib markii qarax miino lagu beegsaday goob isku imaatin ah oo ay uga sugnaayeen deegaanka Ambareeso.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo loo malaynayo in uu ka dhashay miino lagu aasay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Dhinaca kale xoogag hubaysan ayaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ku dilay Cali Macallin Maxamuud oo kamid ahaa ergadii wax kasoo xulay xildhibaannada baarkamaanka DF-ka ee dhanka maamulka Hirshabelle.