Sheekh Dirir oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

Saturday May 28, 2022 - 17:46:29
Liibaan Jeexoow
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa farriin u direy dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland, kuwaas oo khilaafkoodu meel adag marayo.
Sheekha ayaa soojeediyay in siyaasiyiintaasi wixii ay ku heshiiyeen raacaan isla markaana waxa uu ciidanka iyo guddida doorashada ku boorriyay in ay dhex u ahaadaan.

"Farriintaynu diraynaa waxa weeye, xaaladdu marka ay halkan oo kale mareyso dadka wax lagu aaminay in ay ammaanadooda gutaan.” Ayuu yidhi sheekhu.

Xaaladda ayaa sii cakirmaysa marba marka ka dambaysa, iyadoo ay dhici karto xaalad amni oo la soo derista dadka shacabka ah. Dhanka kale cuqaal kala duwan ayaa ka hadlay khilaafkan iyagoo ku taliyey in la isu tanaasulo umaddana hagardaamada laga ilaaliyo.

Arrimahan oo dhan ayaa yimid xilli siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo muxaafidka ah ee maamulku ay hawada isu marinayeen toddobaadyadii ugu dambeeyay hadallo xanaf badan. Lama oga in ay iyagu dhexdooda ka heshiin doonaan iyo in kuwii Beesha Caalamka lagu sheegi jirey ay dhexgali doonaan.

waxaa diyaariyay Wadaad Yare Xaashi


Related Items