Mahad Salaad oo loo magacaabay Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda DF.

Thursday May 26, 2022 - 17:13:49
MeMo Staff
sawir hore xildhibaan Mahad Salaad
sawir hore xildhibaan Mahad Salaad
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali sii wada isbedelka uu u sameynayo hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka isagoona shaqada ka eryaya saraakiishii sida aadka ah ugu dhowaa Farmaajo.
Taliyaha cusub ee Nabad sugidda DF-ka ayaa maanta lamagacaabay taas oo ka dhigan in 5 sano kadib isbedel lagu sameeyay hoggaanka taliskan fadeexadaha badan ku lug lahaaday sanadadii Farmaajo.

Xasan Gurguurte ayaa shalay Mahad Salaad u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda balse golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay kadib kulan ay ku yeesheen xafiiska R/wasaaraha.

Mahad Salaad oo horay u ahaa xildhibaan Mucaarad ah ayaa xubin ka ah Ururka Damuljadiid, magacaabista xilkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah loogu hadal hayay baraha Bulshada.

Ninkan ayaa afartii sano ee uu Xasan Sheekh DF-ka madaxda ka ahaa  wuxuu ahaa wasiiru dowllaha arrimaha dibadda balse xilligii Farmaajo wuxuu ahaa xidhibaan mucaarad ah oo dowladda ka weerara warbaahinta.

Related Items