Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka oo Taleefan kula hadlay Xasan Gurguurte.

Thursday May 26, 2022 - 12:02:40
MeMo Staff
Dowladda Mareykanka ayaa markale sheegtay in ay xiriir la sameysay madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya si sare loogu qaado iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya.
Antony Blinken oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukumadda Washington ayaa sheegay in uu xalay khadka taleefanka kula hadlay Xasan Sheekh Maxamuud uuna ugu hambalyeeyay dib udoorashadiisa.

Ned Price oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay kala hadleen isku diyaarinta lawareegidda amniga iyo ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

"Waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya" ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Saacado kadib markii ladoortay ayuu Xasan Gurguurte xerada Xalane kula kulmay saxafiirka Mareykanka, sedax maalmood kadib ayuu Biden soo saaray go'aan uu boqolaal ciidamo American ah dib ugu celinayaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan ladagaallanka Al Shabaab.

Related Items