Mucaaradka Somaliland oo la kulmay Muuse Biixi.

Wednesday May 25, 2022 - 09:39:59
Liibaan Jeexoow
Xisbiyada mucaaridka ee maamulka 'Somaliland' ayaa xalay la kulmay Muuse Biixi, kulankaas oo ay kaga arrinsanayeen khilaaf in muddo ah soo jiitamayay oo salka ku hayay wakhtiga doorashada la qaban doono, taas oo ay ku kala kaceen ismaandhaaf kadib.
Doorashada maamulka oo xilligii ay u astaysnayd kadib dhacda ayaa keeni karta khalkhal siyaasadeed iyo mid amni.

Wasiirka Amniga Maxamed Kaahin ayaa sheegay mar uu xaflad ka hadlayay in xisbiyada mucaaradku ay kuwa loogu yeedho Beesha Caalamka u sheegeen in dagaal ka dhex qarxi doono haddii aan lagasoo kala gaadhin Biixi iyo iyaga.

Dhawwaan uun bay aheyd markii Cirro oo kamid ah kooxaha mucaaradka uu sheegay in uu seedhiga colaadeed ku dhufan doono haddii doorasho xilligeeda ku dhici waydo, isaga oo dhallinyaradana ugu baaqay in ay u dhintaan wax uu ugu yeedhay sharciga.

Siyaadda oo aad u qasnayd maalmihii u dambeeyay ayaa keentay kulankii xalay dhacay balse fashilka kusoo idlaaday.

Kooxaha mucaaradka ayaase quus ka taagan in Muuse doorasho qabto, arrintan ayay dad badani saadaalinayaan in laysku dili karo, dhanka kale doorashooyinka oo ah nidaam dusha lagaga keenay waddamada Afrika ayaa inta badan keena khilaaf iyo jahawareer bulsho.

Wadaad Yare Xaashi

Related Items