21 qof American ah oo ku dhintay toogasho ka dhacday gobolka Texas.

Wednesday May 25, 2022 - 09:19:17
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay toogasho cusub oo ka dhacday mid kamida gobollada dalka Mareykanka.
Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ruux hubaysan uu toogasho ka geystay dugsiga hoose ee magaalada Uvalde gobolka Texas, ugu yaraan 21 ruux ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka halka tobanaan kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadka dhintay 19 kamid ah waa carruur aan qaangaarin sida lagu sheegay war kasoo baxay taliyaha booliska gobolka Texas.

Madaxweyne Joe Biden oo kalimad jeediyay ayaa dhaleeceeyay weerarkan wuxuuna dhaliilay nidaamka Mareykanka udegsan ee muwaadiniinta American-ka ah u ogolaanaya in ay hubka nuucyadiisa kala duwan guryaha ku keydsadaan.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in boolisku ay toogteen ruuxdii dadka badan ku laayay iskuulka hoose ee degmada Uvalde, sanad walba toogashooyin gallaafta nolosha kumanaan ruux ayaa ka dhaca gudaha dalka Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items