Xukuumadda Rooble oo lacag malaayiin dollar ah ku wareejisay Imaaraatka Carabta.

Thursday May 19, 2022 - 17:57:09
Liibaan Jeexoow
Wasiirka amniga dowladda Federaalka iyo ciidamo uu wato ayaa maanta tagay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku keydsanyihiin lacago malaayiin doollar ah.
Cabdullaahi Max'med Nuur ayaa Bankiga kasoo qaaday lacag gaaraysa 9.6 Malyan oo dollar oo muddo sedax sano ka badan dowladda Imaaraatka uga xayirneed Bankiga dhexe.

"Xukuumadda FS ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay Imaaraadka sanadkii 2018" ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Rooble.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay amarka Imaaraatka dib loogu celinayo lacagtii ay ka xayirtay xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items