Qaraxyo iyo dilal ka dhacay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.

Thursday May 19, 2022 - 11:31:00
Liibaan Jeexoow
Xoogag jihaadi ah ayaa xalay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka uga sugnaayeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xalay fiidkii ayaa jugta madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay laga maqlay halka loo yaqaan Warsame Indhool oo katirsan degmada Wardhiigleey,Goobjoogayaal ayaa sheegay in xoogag jihaadi ah ay weerar culus qaadeen.

Saacad kadib iska hor'imaad culus ayaa ka dhacay saldhigga booliska degmada Yaaqshiid, dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubaysan ay garneyllo ku weerareen saldhigga kadibna ay iska caabin kala kulmeen ciidamo boolis ah.

Dhinaca kale sarkaal sare iyo askari ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay xaafado katirsan degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, Laba Xidigle Aadan Cusmaan ayay rag hubaysan toogteen maanta barqadii.

Sidoo kale xalay ayaa degmada Dharkeynleey lagu dilay askari boolis ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Jaakad, Al Shabaab ayaa sare uqaaday dilalka askarta iyo saraakiisha ay ka geysanayaan Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items