Shan (5) Askari oo Itoobiyaan ah oo Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Bakool

Wednesday May 18, 2022 - 19:06:21
Faahfaahin ayaa laga qarax xoogan oo todobaadkan gudahiisa ciidamo ka tirsan Xabashida lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Maareey oo qiyaastii 30km u jira degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
ilo wareedyo Amni ayaa inoo xaqiijiyey qaraxan oo laba maalin kahor ka dhacay deegaanka in ay ku dhinteen ugu yaraan 5 askari oo Itoobiyaan ah laguna dhaawacay 4 kale.

Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale tilmaameysa in qaraxaas lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada xabashida Itoobiya.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah howlgalada kala duwan ee Xarakada Shabaabul Mujaahiiin ay ku beegsato ciidamada Shisheeye iyo maleeshiyaatka Soomaalida.

Meel kale oo ka tirsan Jubada hoose, waxay wararku sheegayaan in ugu yaraan 3 askari oo Soomaali ah lagu dhaawacay qarax ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni, halka dhanka magaalada Muqdisho iyadana maanta lagu dilay askari ka tirsanaa maleeshiyaatka DFS kaas oo lagu toogtay degmada Kaaraan lagana qaatay qorigii uu watay.


Related Items