Ciidamada maamulka 'Somaliland' oo la wareegay degmo 70Km ujirta magaalada Garowe.

Wednesday May 18, 2022 - 14:36:05
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in isbedel dhanka maamulka ah uu ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Sool.
Ciidamo daacad u ah maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Boocame ee gobolka Sool halkaas oo sanadadii lasoo dhaafay uu ka jiray maamul daacad u ah 'Puntland'.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo farabadan oo katirsan maamulka 'Somaliland' ay gudaha ugaleen magaalada Boocame mana jirin wax iska caabin ah oo ay lakulmeen.

Boocame waxay aheyd degmada kaliya oo katirsan gobolka Sool ee ka maqneyd gacanta 'Somaliland', lawareegistan ayaa lagusoo aaddiyay xilli ay magaalooyinka gobollada waqooyi galbeed  ka socdaan dabaal degyada waxa loogu yeero maalinta 18-ka May oo ah markii lagu dhawaaqay gooni isku taagga 'Somaliland.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Puntland oo ku aaddan lawareegista degmada Boocame oo qiyaastii 70Km ujirta magaalada Garowe.

Waxaa diyaariyay
Wadaad Yare Xaashi

Related Items