Askar katirsan ciidamada dowladda oo siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay.

Wednesday May 18, 2022 - 13:13:01
waa sawir duug ah
waa sawir duug ah
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay xaafado Muqdisho katirsan ku dilay illaa 3 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda.

Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa lagu dilay askari boolis ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Faarax Ceyroow, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaggii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Weerar kale oo ka dhacay xaafadda Sonakay ee degmada Hodon ayaa lagu dilay Qorraxeey Xasan Hilowle oo katirsan ciidamada melleteriga dowladda, sidoo kale maanta duhurkii toogasho ka dhacday degmada Kaaran ayaa lagu dilay askari boolis ah iyadoona xoogaggii dilka geystay ay askariga ka furteen qori AK47 ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items