Turkiga oo gaashaanka u daruuray dalabkii Finland iyo Sweden ee ku biiridda NATO.

Wednesday May 18, 2022 - 11:04:44
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Turkiga iyo xukuumaddiisa ayaa diiddey dalabkii labada dawladood ee Finland iyo Sweden kaas oo ay ku rabeen in ay xubno ka noqdaan Gaashaanbuurta NATO. Turkiga ayaa weli ah dawladda keliya ee sida rasmiga ah uga soo horjeesatay dalabkan.
Diidmadan ayaa lagu sababeeyay sannadkii 2019 Turkigu faragelinta ku sameeyay dalka suuriya ee burbursan dalalkii ka soo horjeestay faragelintaas isla markaana u ololeeyay in cunaqabateyn dhanka hubka ah lagusoo rogo Turkiga ay ahaayeen Finland iyo Sweden.

Dhanka kale labadan dal gaar ahaan Sweden ayaa taageero u fidisa Ururka Kurdidada ee PKK kaas oo xukuumadda Turkigu argagixiso u aqoonsan tahay.

"Sideen u aamini karnaa? Sweden waxay caawisaa argagixisada, ma taageerayno in la siiyo xubinnimada NATO” ayuu yidhi Erdogan 16 May, maalintii isniinta ee ina dhaaftay.

Turkigu waa dalka 2aad ee ugu ciidanka badan isbahaysiga NATO halka Mareykanku uu yahay dalka koowaad ee ugu ciidanka badan, Turkiga ayaa umuuqda mid awooddiisa NATO uga faa'iidaysanayo in uu ku fogeeyo dowladaha iskaandaneefiyaanka ee gacan saarka laleh ururka mucaaradka PKK.

WD Wadaadyare Xaashi

Related Items