20 madfac oo lagu weeraray saldhigga ciidanka 'Puntland' ee deegaanka Galgala.

Tuesday May 17, 2022 - 12:24:50
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka 'Puntland'.
Xoogag jihaadi ah ayaa xalay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday saldhigga ciidamada Daraawiishta Puntland ee deegaanka Galgagla.

illaa 20 madfac ayaa la xaqiijiyay in lagu weeraray saldhigga Galgala waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari sida lagasoo xigtay saraakiil katirsan maamulka 'Puntland'.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items