Xasan Sheekh oo kulankiisi ugu horreeyay laqaatay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Tuesday May 17, 2022 - 12:20:57
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kadib markii ladoortay wuxuu u degdegay in uu kulan laqaato mas'uulka ugu sarreeya dowladda Mareykanka ee ku sugan xerada Xalane.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan laqaatay Lary Andre oo ah safiirka Mareykanka ee magaalada Muqdisho, qoraal lasoo dhigay barta Twitterka safaaradda ayaa lagu sheegay in madaxweynaha cusub uu Mareykanka uballan qaaday wadashaqeyn.

Dhinaca kale dowlado reergalbeed ah oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Xasan Gurguurte ugu hambalyeeyay dib udoorashadiisa, sidoo kale Turkiga,Imaaraatka Carabta iyo Q.Midoobe ayaa dhammaantood bogaadiyay doorashada Xasan Sheekh.

Hoggaamiyaha cusub ee DF-ka ayaa caan ku ah dabadhilifnimada dowladaha shisheeye isagoo reergalbeedka iyo xulufadiisa kala shaqeeya ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items