Ciidamo Itoobiyaan ah oo qaraxyo lagula beegsaday duleedka Ceelbarde.

Monday May 16, 2022 - 16:35:22
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeyaha lagu gaarsiiyay weeraro toos ah iyo qaraxyo lagula beegsaday deegaanno dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in isbucii sedaxaad oo xiriir ah ay weeraro lakulmayaan ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku socdaalaya wadada xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa 6 qarax lagu beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo habqan ah ku socdaalaya meel ku dhow deegaanka Teeda ee duleedka Xudur.

Dad xoola dhaqata ah ayaa lagasoo xigtay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo lala eeganayay ciidamada shisheeye, ciidamada Xabashida ee qaraxyada lakulmaya ayaa laba isbuuc ka hor kasoo gudbay xuduud beenaadka iyagoo saad ugelbiyay degmooyinka Xudur iyo Waajid balse waxay weeraro laayaan ah kala kulmayaan Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items