Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha Jabhadda TPLF oo soo dhoweeyay doorashada Xasan Gurguurte.

Monday May 16, 2022 - 15:35:10
Liibaan Jeexoow
Dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Itoobiya ayaa si diirran usoo dhoweeyay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyo guushii uu gaaray Xasan Sheekh Maxamuud.
R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu soo dhoweynayo guushii uu doorashada ka gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

” Waxaan jeclaan lahaa inaan dhaho hambalyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay inaan kawada shaqayn doono danaha labada dhinac iyo arrimaha joogtada ah" ayuu yiri Abiy Axmed.

Dowladda Itoobiya ayaa aaminsan in Xasan Gurguurte uu kala shaqeyn doono danaheeda, Max'med Cabdulaahi Farmaajo ayaa shantii sano ee uu xilka hayay wuxuu Itoobiya usaxiixay in ay maalgashato illaa Afar dekadood oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale hoggaanka sare ee jabhadda Tigreega TPLF ayaa si diirran usoo dhoweeyay doorashadii Xasan Gurguurte, hoggaamiyaha jabadda Debretsion Gebremichael oo bayaanka ku saxiixnaa ayaa Xasan Sheekh u rejeeyay guul.

Nidaamkii TPLF ee Itoobiya maamuli jiray ayaa taageero melleteri iyo mid siyaasadeed siin jiray dowladdii uu madaxda ka ahaa Gurguurte.
Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa duullaan gardarra ah ku jooga Soomaaliya iyagoo gummeysi ku haya malaayiin shacab Soomaaliyeed ah.


Related Items