Saciid Cabdullaahi Deni oo hoggaanka u haya wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha.

Sunday May 15, 2022 - 20:38:50
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo gaba gaboobay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta duhurkii ka bilaabatay Teendhada Afisyooni.
Musharrixiinta kala ah Saciid Cabdullaahi Deni,Max'med Cabdullaahi Farmaajo,Xasan Cali Kheyre iyo Xasan Gurguurte ayaa usoo gudbay wareegga labaad waxaana doorashada ka haray musharrixiin uu kamid yahay Shariif Sheekh Axmed.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Saciid Deni uu helay 65 cod halka Farmaajo uu helay 59 cod waxaana sidaas doorashada wareegga koowaad hoggaanka ugu hayo Saciid Deni.

Wareegga 2aad ayaa socda waxaana la saadaalinayaa in wareegga sedaxaad laysla gaari doono haddii aysan tanaasul sameyn musharixiinta qaar.

Related Items