Al Shabaab oo la wareegay deegaan ay isaga baxeen ciidamada shisheeyaha ATMIS.

Al Shabaab oo la wareegay deegaan ay isaga baxeen ciidamada shisheeyaha ATMIS.

Saturday May 14, 2022 - 15:32:51
Liibaan Jeexoow
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ciidamada shisheeyaha ATMIS ayaa isaga baxay deegaan hoos yimaad degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Maanta duhurkii ayay ciidamada Midowga Afrika baneeyeen saldhiggii ay ku lahaayeen tuulada Haan Sheekh oo udhaxaysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xoogaga jihaadiga Al Shabaab ay durbadiiba la wareegeen tuulada ay isaga firxadeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha ATMIS.

sedaxdii bishan ayay aheyd markii uu dhacay weerarkii deegaanka Ceelbaraf halkaas oo lagu dilay inkabadan 173 askari oo Burundeys ah waxaana dagaankaas dib ula wareegay Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items