Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray deegaanno katirsan Gedo iyo Bakool.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray deegaanno katirsan Gedo iyo Bakool.

Saturday May 14, 2022 - 15:27:48
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo melleteri wadeen.
Xoogag jihaadi ah ayaa weeraro ku beegsaday ciidamada Xabashida iyo maleeshiyaadka dowladda xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee goblka Gedo.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ugu culus uu ka dhacay halka loo yaqaan Dalcadda Kibiro, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray deegaanka Washaakhada ee dhaca duleedka degmada Waajid, waa isbuucii labaad xiriir ah oo ay ciidamada Itoobiya weeraro culus kula kulmayaan gobollada Baay,Bakool iyo Gedo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items