Madaxweynihii dowladda Imaaraatka Carabta oo geeriyooday.

Madaxweynihii dowladda Imaaraatka Carabta oo geeriyooday.

Saturday May 14, 2022 - 08:51:53
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Khaliifa Bin Zaayad oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.
Wakaaladda wararka ufaafisa UAE ayaa sheegtay in madaxweyne Khaliifa uu dhintay kadib sanado uu ladaalaa dhacayay xanuun, sedax maalmood oo baroordiiq ah ayaa looga dhawaaqay magaalada Abu Dhabi.

Khaliifa Bin Zaayad Aala Nayhaan ayaa xukunka Imaaraatka qabtay sanaddii 2004 kadib markii uu aabihii geeriyooday balse sanaddii 2014 ayuu xanuun ugasoo booday dhanka maskaxda waxaana talada wadanka hayay walaalkii Max'med Bin Zaayad oo ah dhaxalsuge dabadhilif ah.

Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Yahuudda ayaa ka tacziyeeyay geerida madaxweynihii dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta.

Related Items