Ciidamada maamulka 'Galmudug' oo dib ula wareegay magaalada Dhuusamareeb [Warbixin].

Ciidamada maamulka 'Galmudug' oo dib ula wareegay magaalada Dhuusamareeb [Warbixin].

Saturday May 14, 2022 - 08:01:57
Liibaan Jeexoow
Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay dagaalladii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Saacado dagaallo ah kadib ayay ciidamada maamulka 'Galmudug' ugu suurtagashay in ay dib ula wareegaan magaalada, maleeshiyaadkii kooxaha sheegta Ahlusunna ayaa laga saaray magaalada waxayna ubaqooleen tuulooyin katirsan Galguduud.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Mushrikiinta loogu itaal sheegtay dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafado katisan Dhuusamareeb.

Xalay fiidkii ayay ciidamada maamulka 'Galmudug' la wareegeen deegaanka Bohol oo saldhig weyn u ahaa maleeshiyaadka Suufida ee Max'med Shaakir madaxda ka ahaa.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii shalay Dhuusamareeb ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 22 ruux oo dhammaantood ah dhinacyadii dagaallamayay balse illaa iyo hadda tira koob rasmi ah lagama hayo khasaaraha shacabka soo gaaray.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Suufida ee Ahlusuna labaxay ay ku suganyihiin Tuulada Huurshe iyagoona ku dulbarooranaya qabriga Sheekh Yuusuf Direed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items