Roobabka Guga ee ka curtay intabadan gobollada dalka Soomaaliya ayaa meelaha qaar ka geysanaya musiibooyin saameyn reebay.
Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Roobab dabeyllo wata ay ku dhufteen gobollada Mudug iyo Galguduud waxaana jira waxyeello soo gaartay dadka deegaanka.
deegaanka Garwayne oo qiyaastii 35Km dhanka bari uga beegan magaalada Galhareeri waxaa ku dhuftay roobab dabayllo watay kuwaasi oo burburiyay guriyo ama dhismooyin badan oo deegaan iyo ganacsiba isugu jiray.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dabeylluhu ay dumiyeen inkabadan 30 guri islamarkaana ay burburiyeen geedo caan ah, baadiyaha deegaanka Garweyn waxaa lagu arkayaa dhir dhulka ku daadsan waxaana sidaas yeelay dabeyllo xooggan oo roobka ku larnaa.
Hoos ka daawo sawirrada
Hoos ka daawo sawirrada