13 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay weeraro ka dhacay duleedyada Xudur iyo Baydhabo.

13 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay weeraro ka dhacay duleedyada Xudur iyo Baydhabo.

Thursday May 12, 2022 - 12:24:14
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobollada Baay iyo Bakool.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Xudur ayaa sheegaya in weeraro is xigxigay oo ciidanka Itoobiya lagula beegsaday deegaanka Teeda oo qiyaastii 30Km ujira xarunta gobolka Bakool ay ku dhinteen 9 askari halka ay ku dhaawacmeen 6 kale.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaarado nuuca qumaatiga ukaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay caga dhigteen goobta uu weerarku ka dhacay iyagoo halkaas ka daabulay meydad iyo dhaawacyo.

Dhinaca kale ugu yaraan 4 askari Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qaraxyo iyo weeraro kamaa'in ah oo lagula beegsaday wadada xiriirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro isdaba joog ah ku haya ciidamada Xabashida oo isbuucii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo saad isgaarsiin ah ka bilaabay gobollada Bay iyo Bakool.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items