Dhibaatada heysata Muslimiinta Hindiya oo sii kordheysa xilli ay ka tiro badanyihiin Hinduuska xagjirayaasha ah.

Dhibaatada heysata Muslimiinta Hindiya oo sii kordheysa xilli ay ka tiro badanyihiin Hinduuska xagjirayaasha ah.

Thursday May 12, 2022 - 08:57:15
Liibaan Jeexoow
Wargeys lagu magacaabo Modern Diblomacy ( Modereen Diblumaasi) ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo dhibaatada heysta muslimiinta kunool dalka Hindiya, kuwaasoo wajahaya tacadiyaad joogta ah oo uga imaanaya dowladda Hindiya iyo shacabka Hinduuska ee halkaas kunool.
Wargeyska ayaa tilmaamaya in inkastoo tirada muslimiinta Hindiya ay ka badantahay tan Hinduuska halkaas ku nool, hadana ay joogto tahay dhibaatada ay la noolyihiin muslimiinta, maalinba maalinta ka dambeysana sii kordheyso.

Sida ay tilmaamayaan qiimeyn iyo sahdaalin la sameeyay cadadka muslimiinta Hindiya ayaa aad u kordhi doona marka la gaaro sanadka 2060-ka, sababo ku aadan iyadoo muslimiintu ay guur badanyihiin, halka Hinduuska aan loo ogoleyn qofkiiba inuu guursado wax ka badan hal xaas.

Xisbiga muslimiin naceybka ku caan baxay ee Bahartiya, talada dalka Hindiyana gacanta ku haya ayaa hadda qorsheynaya inuu meel mariyo qaanuun cusub oo mamnuucaya in qofku guursado inkabadan hal xaas, kaasoo lagu doonayo in lagu yareeyo korarka tirada muslimiinta, si loola mid dhigo Hinduuska aaminsan in xaasas badsigu uu xaaraam yahay.

Tirakoob la sameeyay sanadkii 2015-ka ayaa tilmaamay in tirada muslimiinta Hindiya ay dhantahay 195 malyan oo ruux, marka la gaaro sanadka 2060-ka ayaana la filayaa iney aad uga bataan muslimiinta ku nool caalamka kale, iyagoo noqonaya 19% guud ahaan dadka ku nool Hindiya.

Muslimiinta Hindiay ayaa ku kala firirsan guud ahaan dalka, waxaana intooda badan ay ku noolyihiin gobollada Otar Baradish, Biihaar, Aasam, Bungaalka gableed iyo Kashmiir, waxaana inkastoo ay tiro badanyihiin dalkana ku faafsanyihiin hadana loola dhaqamaa si aqalliyo, loomana ogola xitaa iney iyagu is maamulaan, ama qofka masuulka looga dhigayo uu iyaga kasoo jeedo.

Intii lagu guda jirey dhaqdhaqaaqyadii xurnimo doonka ah ee Hindiya, muslimiintu waxay kaalinta hore kaga jireen dadaalladii dalka looga xureynayay Ingiriiska, markii dalka uu xurta noqdeyna waxay Pakistaan ka go’day Hindiya, taasina waxay muslimiinta Hindiya ka dhigtay iney agoonnimo dareemaan, maadaama wax loogu darey dal dadkiisu Hinduus u badanyihiin, muslimiintana neceb.

Dastuurka dalka ayaa gundhig waxaa looga dhigay Cilmaaniyadda, taasina waxay keentay in dowladda talada la wareegtay ay ilaalin weyso xuquuqda dadka laga tirada badanyahay, culimadii dalka ayaana laftooda waxay ku dhici waayeen badankood iney Xaqqa cadeeyaan, xuquuqdii muslimiintana sidaas ayay ku dayacantay.

Inkastoo muslimiinta Hindiya ay ku dadaaleen in dalka ay ka dhisaan dowlad islaami ah, ama ugu yaraan yeeshaan is mamaul madax banaan oo diinta ku haga, hadana dadka ku matalayay siyaasada ayaa kasoo bixi waayay masuuliyadda saaran, waxayna ugu dambeyn ku qanceen iney ku dhex milmaan axsaabta siyaasadda ee dalka Hindiya, kana fakaraan oo keliya sidii ay ku heli lahaayeen macaash yar oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Warbixinta waxay tilmaameysaa in dowladda Hindiya ay dhiirageliso ama sheeda ka daawto dhibaateynta muslimiinta Hindiya, intii la kal qeybiyay Pakistaan iyo Hindiya, waxaa dalka Hindiya lagu weeraray 40 kun oo muslim ah, kuwaasoo la kulmay weeraro qaarkood nolosha lagu dhaafiyay.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya ayaana daaha ka rogay heerka ay gaarsiisantahay cadaawadda xisbiga Bahartiya, ciidamada booliiska ayaana ka qeyb qaadanayay howlgallada lagu beegsanayay muslimiinta islamarkaana lagu burburinayay guryaha iyo masaajidda ay leeyihiin dadka muslimiinta ah.

Gudi baaritaan oo sanadkii 2005-ta looga dhawaaqay dalka Hindiya, uuna magacaabay ra;iisul wasaarihii xilligaas ee dalka Hindiya ayaa soo saarey dardaaran ah in la dhiso guddi dhageysta cabashada dadka musliminta, si Meesha looga saaro kala sooca oo xitaa gaarey in shaqooyinka loo diido dadka muslimiinta ah.

Inkastoo dastuurka wadciga ah ee Hindiya uu dhigayo qodobo lagu sheegay ilaalinta xurriyadaha dadka laga tirade badanyahay, hadana weli muslimiinta Hindiya iyo xitaa bulshooyinka kale ee laga tirade badanyahay, kuna nool dalka Hindiya ma helin xuquuqda asaasiga ah, waxayna wajahayaan isir neceyb, iyo weeraro joogta ah.

Kumanaan kun oo ruux oo ay ku jiraan culimada iyo hormuudka bulshada muslimiinta ayaa xabsiyada lagu hilmaamay, haweenka muslimaadka ayaana qaffaal iyo kufsi la kulma, su’aasha la is weydiinayana waxay tahay, intee in la eg ayay Muslimiinta Hindiya madax u fooraranayaan hinduuska islaam neceybka dillooday ee aan gareynin waxaan ka ahayn in seyf iyo xabad looga hortago?!

Related Items