Cabdiraxmaan Cirro oo dhaliilay hadalkii kasoo yeeray Muuse Biixi.

Cabdiraxmaan Cirro oo dhaliilay hadalkii kasoo yeeray Muuse Biixi.

Wednesday May 11, 2022 - 15:23:51
Liibaan Jeexoow
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhaliilay khudbaddii uu Muuse Biixi ka jeediyay isniintii Golaha Baarlamaanka ee Somaliland.
Muuse Biixi ayaa laga sugayay in uu kala caddeeyo in uu doorashada xilligeedii ku qaban doono iyo in kale ayaa shaley warqad uu soo saarey ku sheegay in uu guddi u saarey xallinta khilaafka soo kala dhexgaley Kommishanka Doorashooyinka, Arrintan ayaa mucaaradku u arkaan tallaabo lagu carqaladaynayo doorashada soo socota ee maamulka ‘Somaliland’.

"Dalku wuxu qaadey jidkii digtaatooriyadda iyo sharci darrada taas oo horseedi karta cawaaqib xumo aan Somaliland mahadin” ayuu yidhi Cirro oo kamid ah mucaaradka.

Dhanka kale Cirro ayaa sheegay in haddii Muuse dhammaysto muddo xileedkiisa aanay u aqoonsan doonin madaxweyne.

Khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidka ee maamulka ayaa cirka isku shareeraya marba marka ka dambaysa, waxa sidoo kale xusid mudan in Faysal Cali Waraabe oo isna ah guddoomiye xisbi mucaarid uu dhawr mar hanjabaado hawada u mariyey Muuse Biixi.

Kuwa loogu yeedho Beesha Caalamka oo ah nimanka sida tooska ah ay uga amar qaataan ayaan wax war ah ka soo saarin khilaafkan.

Waxaa diyaariyay Wadaadyare Xaashi

Related Items