Al Shabaab oo sheegay in ay qarax ku weerareen kolonyo kusii jeedday Teendhada Afisyooni.

Al Shabaab oo sheegay in ay qarax ku weerareen kolonyo kusii jeedday Teendhada Afisyooni.

Wednesday May 11, 2022 - 11:43:58
Liibaan Jeexoow
Jugta qarax xooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho ayaa beegsaday Koontaroollada laga ilaaliyo wadada aadda garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen madax katirsan dowladda Federaalka kuwaas oo kusii jeeday Teendhada Afisyooni ee ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan naf-hurnimo ee Al Shabaab ay mas'uuliyaddiisa sheegteen balse wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidanka ATMIS lagu wareejiyay Afisyooni iyo hareeraheeda ammaankana si aad ah loo adkeeyay.

Related Items